(Dhageyso) Haweenka Wasiirada La Magacaabay oo Martiqaad u Sameeyay Dhigooda Baarlamaanka Federaalka Ku Jira.

0

Haweenka Wasiirada ah ee dhawaan la magaacay ayaa marti qaad u sameeyay Gabdhaha Xildhibaanada iyo qaar ka mid ururada haweenka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdishu.

Haweenkii halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxda dowlada magacaabista Wasiirada Gabdhaha ah.

Xildhibaanada gabdhaha ayaa sheegay in ay ansixin doonaan Xukuumadda Cumar Cabdirashid mar haddii ay ku qanceen sida qebtooda loo siiyay.

Cumar Cabdirashod ayaa u magacaabay Haweenka Wasaarado muhiim ah sida Waxbarashada, Haweenka iyo Waxbarashada iyo Wasiir ku xigeeno sida Wasiir Ku xigeenka Cadaaladda.

Caasho Koss Maxamud Cumar ayaa ugu horeyn goobta ka hadashay, waxaa ay ku dheeraatay sida ay uga mahadcelinayaan Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka in haweenka kaalin fiican laga siiyay Xukuumadda cusub.

Sahro Sheekh Cabdiqadir oo sidoo kale goobta ka hadashay ayaa sheegtay in ay rajeynayso in gabdhahan ay yihiin kuwii dhibka ka saari lahaa shacabka Soomaaliyeed iyadoo intaa raacisay I kor loo qaado isla xisaabtanka iyo” I Tus oo I Taabsii” iyagoo goobta uga dhawaaqay Kutladda “I Tus oo I Taabsii”.

Maryan Macali Aweyn oo ugu dambeyntii xafladda ka hadashay ayaa sheegay dhankeeda in shaqo badan loo baahan yahay, iyadoo u mahadcelisay gabadhaha Wasiirada ee xafladda qabtay, Xildhibaanada ayaa ku boorisay dhamaan xildhibaanada I ay codka kalsoonida siiyaan Xukuumadda Cumar Cabdirashid.

February 5, 2015: Cumar Cabdirashiid waxaa uusoo dhamaystiray golihiisa wasiirada oo gaaraya 26 wasir, 14 wasiiro dowle iyo 26 wasiiro ku xigeen, waxaana lagu wadaa in uu dhawaan hor geeyo golaha shacabka si kalsooni uga helo.

Hoos Ka Dhageyso Codkoodda: