(Dhageyso) Guddiga arimaha bulshada Baarlamaanka oo laga dalbaday inay wax ka qabtaan dagaal beeleedyada Hiiraan.

0

Xildhibaan Maxamed Cumar oo Kamid ah baarlamanka kana mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka in ay wax ka qabtaan colaadaha soo noq noqda ee ka dhaca Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shiri doonaan arrimahaasi oo dhan si aysan mar kale u dhicin in ay Hiiraan ku dagaalamaan beelahaasi.
Wuxuu sheegay in dagaalada ka dhacaayo Gobolka Hiiraan ay dhibaato u keenaan Bulshada Gobolkaasi, ku nool islamarkaana loo baahan yahay in dagaalada laga hortaggo.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelo wada daga gobolkaasi, waxana Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo.