(Dhageyso) Faah Faahin Dagaaladii Baladweyn oo Joogsaday.

0

Waxaa si rasmi ah u istaagay dagaaladii illaa shalay ka dhacayay magaalada Baladweyne oo u dhaxeeyey labo maleeshiyo beeleed , kaasi oo ay ku dhinteen illaa 10 qof, 35 kalana ay ku dhaawacmeen.

Odayaal dhexdhexaadin ka dhex waday labada beelood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in ay ku guuleysteen in ay xabbada joojiyaan, iyaga oo beelaha ku amaanay beelaha ka aqbalay baaqdooda.

Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale iyo Faarax Raage Kooshin oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegey in labada beelood aysan horey u dagaalamin, hadana uu sheeydaan ka dhex shaqeeyay. Waxayna ugu baaqeen in xabbad dambe aysan dib u dhicin.

Maamulka dowladda ee Hiiraan iyo taliyeyaasha ciidamada AMISOM ee ka kala socda Jabuuti iyo Itoobiya oo iyaguna qeyb ka ahaa qaboojinta dagaalada ayaa sheegey in ay ciidamo geeyeen xaafadihii lagu dagaalamay, waxayna sheegeen in uu waajin ka saaranyahay in ay illaaliyaan nafta iyo hantida dadka.

Hoos Ka Dhageyso: