(Dhageyso) Dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti oo iska kaashanaya dagaalka Al-shabaab.

0

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Omar Guelleh iyo ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo si wada jir ah ugu wada kulmay magaalada Djabuuti ee dalka Jabuutui ayaa ka hadlay qatarta amni ee Al-shabaab ku heyso dalalka gobolka ku yaalo iyo qaabka ugu haboon ee Labada Dowladood isaga kaashan lahaayeen adkeynta xuduudahooda. 

Ra’iisal wasaare Hailemariam Desalegn oo booqasho ku tagay dalka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in Labada dalka ay si wada jira iskala shaqeyn doonaan difaaca xuduudahooda si aysan uga gudbin waxay ugu yeereen kooxaha argagaixsada.

Sidoo kale,madaxweynaha dalka Jabuuti Ismacil Cumar Geele ayaa dhankiisa tilmaamay inay sii wadi doonaan ku lug lahaashaha arimaha Soomaaliya,islamarkaana sii dar dar gelin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo taageerida Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Wuxuu sheegay madaxweynaha dalka Jabuuti inuu rajo weyn ka qabo dib u soo noqoshada xasiloonidii iyo deganaashaha dalka dagaalada la degeen ee Soomaaliya.

Sidoo kale.labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arimaha dalka Eritrea iyo dalka ugu yar aduunka ee Koonfurta Suudaan,waxana madaxweynaha dalka Jabuuti uu soo dhaweeyay Ciidamada dheeraadka ah ee Ethiopia ku biirineyso dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Hoos Ka Dhageyso: