Dhageyso: Abdi Ismail Samatar ''Sidan haddii ay Somalia ku sii socoto lama gaarayo hiigsiga cusub''

0

Pro: Abdi Ismail Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka siyaasad ahaan iyo hiigsiga sanadka 2016-ka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad aad u adag taasoo la doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho xor ah oo ka dhacda sanadka 2016-ka.

“Soomaaliya uma jeeddo wadada gaaritaanka New Deal-ka, marka caadi ma ahan haddii khilaafka madaxda uu sii socdo in la gaaro hiigsiga cusub” ayuu yiri Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil Samatar.

Waxa uu sidoo kale sheegay haddii wax loo wado qaabka ay hadda wax u socdaan in Soomaaliya ay gaari  karto doorasho xor ah.

Halka hoose ka dhageyso: