Deg-Deg:- Dhac iyo boob ka dhacay magaalada Kismaayo iyo dadka oo walaacsan ….

0

Sida ay sheegayaan saaka war aan ka helnay magaalada Kismaayo maleeshiyada Raaskambooni ayaa dhac iyo boob u geystay dukaamo ku yaalla xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Dukaamada la dhacay oo qaarkood ay lahaayeen dumar ayaa la sheegay in lacag kaash ah oo hablo qaadoolayaal ahaa meel u taallay inay dhaceen maleeshiyada raaskambooni iyagoo waxyaabo been abuur ah ku andacoonaya.

Qof diiday inaan magaciisa baahinno ayaa u sheegay Allgalgaduud in in Maleeshiyada ay dhaca iyo boobka u geysatay dadka shacabka ah kadibna ay baabuur ku rarteen lacago lagu qiyaasay 30.000 oo dollar.

“Maleeshiyada Alshabaab oo kale oo afka u duuban yihiin ayaa xaafadda soo galay kuwaasoo yiri Jubbaland baa nala dhahaa ee baaritaan aan sameyno kadibna lacag badan bey dhaceen oo meeshan taallay” ayuu yiri qoflkaasi.

Dhinaca kale, Allgalgaduud ayaa weydiisay su’aal ahayd sidee lagu ogaaday in ciidanka maamul beeleedku yihiin kuwa dhaca geystay? wuxuuna ku jawaabay:-

“Waa la ogyahay maalmihii dambe dhbaatooyinkan ayay ka wadeen Kismaayo waxaana la socday ninka u qaabilsan Jubbada Hoose ee la yiraahdo Cabdirashiid Gooni” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cabdirashiid Gooni oo hadda ah hoosjoogaha maleeshiyada u qaabilsan Jubbada Hoose ayaa horay u ahaa nin ONLF-ta dhaqaalaha uga aruurin jiray dalalka Yurub, waxaana ilma adeer ay yihiin horjooge Axmed Madoobe.

Tacadiyada ay weli ciidanka Axmed Madoobe ka wadaan magaalada Kismaayo ayaa ah kuwa si beeleysan ay u geysanayaan beelaha qaar sida Mareexaan iyo Sheekhaal.