Alshabaab oo haweeney ku toogtay degmada Jilib ee Jubbada Hoose iyo cabsi la dareemayo…

0

Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab  Magaaladaasi  ay ku Toogteen Haweeney ay ku Eedeeyeen Basaasnimo.

Al-shabaab ayaa Shaaciyay in Fagaare ku yaala Degmada Jilib ay ku dileen Haweeney Magaceeda ay ku sheegeen Aasiyo Cumar Hiloowle oo 25 Sano jir ah islamarkaana ay ku Eedeeyen in ay la shaqeyneysay Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya.

Qaadi u hadlay Al-shabaab ayaa Tilmaamay in  Haweeneydaan lagu Magacaabo Aasiyo Cumar ay Qiratay Eedeeynta ah la shaqeynta Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya sidaana lagu Dilay.

Hasse ahaatee Al-shabaab ayaa Dad badan oo ay ku Eedeeyaan in ay Basaas u yihiin Dowladda Soomaaliya iyo Reer Galbeedka dila,iyagoona sheega in Dadkaasi ay qirteen Danbiya lagu soo eedeeyay Balse aysan jirin Cid Cadeyn karta qirashada  Dadkaasi ay Dilaan Shabaabku.