Wakiil Wareedka Idaacada Kulmiye oo Galkacyo lagu dhaawacay iyo NUSOJ oo ku Baaqday Baaritaan deg deg ah.

0

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa uu goor dhoweyd ogaaday in lagu dhaawacay Koonfurta magaalada Galkacyo ee maamulka Galmudug ay arrimayaan in lagu dhaawacay wakiilka wareedka Idaacada Kulmiye ee gobolka Mudug, Wariye Siraaji Yuusuf Sugaal.

Dhaawaca weriyaha ayaa haatan lagu dabiibayaa isbital ku yaala koonfurta Galkacyo, sida ay Idaacada Kulmiye oo uu u shaqeynayay weriyaha sheegtay.

Burhaan Diini, Agaasime ku xigeenka Idaacada Kulmiye ayaa NUSOJ u sheegay in weriyaha xabbadda ku fagatay, balse ujeedku ahayn in weriyaha bartilmaameed uu ahaa.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Md. Maxamed Ibrahim ayaa cambaareeyay falkaas lagu dhaawacay weriyaha, uguna baaqay maamulka Galmudug inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan sida shilkaas weriyaha lagu dhaawacay ku dhacay, caddaaladana horkeenaan.

Magaalada Galkacyo ayaa noqotay goobaha ugu khatarsan ee suxufiyiini ka shaqeeyaan, iyadoo weerarada loo geysanayo suxufiyiinta ka shaqeynaya gobolkaas ay faraha ka sii baxayaan.