(Sawirro) Wafti beesha Sade ah oo uu horkacayo Ugaas Maxamed Xaashi oo u kicitimey magaalada Garbahaarey.

0

Wafti ballaaran oo uu horkacayo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Xaashi Ugaas ayaa maanta oo Sabti ah oo ku beegan 7.2.2014 waxaa uu u kicitmey magaala madaxda gebolka Gedo ee Garbahaarey.

Waftigaan oo ka koobnaa siyaasiyinn, aqoonyahanno, cuqey, nabaddoono, culumaa’uddiin iyo qeyba kale oo kamid ah waxgaradka beesha Sade ayaa ujeedadoodu tahay iney ka qeyb galaan wajiga labaad ee Shirweynaha midnimo ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Garbahaarey.

Waxaa waftigaan uu horkacayo Ugaaska intii aaney ka duulin garoonka weyn ee Aadan Cadde ay  si fiican oga warbixiyeen mihiimadda weyn ee uu beesha Sade u leeyahay wajiga labaad ee shirweynaha midnimo iyo waxyaabaha looga hadli doono.

Wafigaan oo u warrameyey saxaafadda ayaa Ujeedada ballaaran ee loo qabanayo shirweynaha midnimo waxaa ay ku sheegeen, iney ugu mihiimsan tahay Saddex qodob oo aad u waaweyn, kuwaasoo kala ah:

1). Mideynta dhaqanka Beesha Sade

2). Mideynta maamulka gobalka Gedo

3). Iyo Xal u helidda khilaafka ka jira maamulka Jubbaland

Waxaa ugu dambeyn waftigaan ballaaran ay rajo fiican ka muujiyeen in shirweynaha midnimo 2 uu noqon doono mid najaxa ama mira-dhal ah,  kaasoo so af-jara dhammaan noocyada khilaafaadka ah ee ka jira deegaanka weyn ee Jubbaland.

Waftigaan ballaaran ayaa ugu dambeyn waxaa ay garoonka Aadan Cadde ka duuleen iyagoo  aad u faraxsan oo wajiyadooda laga dheehan karey sida ay maqsuud oga ahaayeen safarkooda, waxaanna Garoonka weyn ee Aadan Cadde kusii sagootiyey waxgarad kamid ah qeybaha bulshada Sade ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Daawo Sawiradda Wafdiga:

1 7 6 5 3 2