(Sawiro) Maxkamada ciidamada qalabka sida oo maanta xafiis ka furatay magaalada Jowhar.

0

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa si rasmi ah uga furay maxkamada ciidamada qalabka sida iyo xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Munaasabada furitaanka maxkamada ciidamada qalabka sida oo ka dhacday xarunta maxkamada gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulahi Xuseen guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada iyo amniga Axmed Meyre Makaraan,saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyin heer degmo iyo heer gobol isugu jira.

Hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay guddoomiyaha Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayuu ku sheegay in xafiis ay ku yeelanayso laga bilaabo maanta maxkamada ciidamada magaalada Jowhar ayna sidoo kale maxkamadu tegi doonto goobaha furumaha ah wixii la soo qabtana isla goobta lagu soo saari doonaa maxkamad.

“Waxaan u dirayaa fariin shacabka gobolka in dadka ka tirsanaan jiray Alshabaab ee isaga soo tegey in lagu soo wargeliyo maamulka gobolka iyo ciidamada ammaanka si loo ogaado loona diiwaangeliyo.”ayuu yiri Gaashaanle Xasan Shuute.

Furitaanka maxamada ciidamada qalabka sida xafiiskeeda Jowhar ayaa waxaa soo dhoweeyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen waxana uu sheegay in maamulka gobolka uu garab istaagi doono sidii maxkamada howlaheeda u gudan doonto.

Intaa kadiba ayuu guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen waxa uu ku soo dhoweeyay wafdiga uu horkacayay guddoomiyaha maxkamada inay lug ku soo maraan suuqyada magaalada Jowhar. Waxana ay wafdigan soo booqdeen suuqa ugu weyn magaalada Jowhar gaar ahaan qudaarta iyo suuqa xoolaha iyagoo dadkii ku ganacsanayay iyo dadweynihii kale ee suuqyadaa ku sugnaa ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen wafdiga.

Hoos ka daawo sawiradda:

 maxkamad derejada  (1)

maxkamad derejada  (2)

maxkamad derejada  (3)

maxkamad derejada  (4)

maxkamad derejada  (5)

maxkamad derejada  (6)

maxkamad derejada  (7)

maxkamad derejada  (8)

maxkamad derejada  (9)

maxkamad derejada  (10)