Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Wadajir Ula Kulmay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland,Xildhibaanno Iyo Odayaal Dhaqameed “SAWIRRO”

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah xalay kulan ula qaatay
Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed,Kan Raaskanbooni,Xildhibaannada heer Federaal ee kala metela shacabka
labada maamul goboleed,Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro.

Kulankan oo ahaa mid wadatashi iyo is xog wareysi ah ayaa ka dhacay
xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaana Gudoomiyaha
Baarlamaanka oo shirka furay uu ugu horeyn uga mahad celiyey dhinacyada
kasoo qeybgalay sida ay marti qaadkiisa u aqbaleen, waqtiga haray ayuu
tilmaamay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu aad u gaaban yahay
sidaasi daraadeedna looga baahan yahay shacabka labada maamul iney is
cafiyaan oo ay gacmaha is qabsadaan islamarkaasina ay horey u socdaan
ayadoo lagu dadaallayo midnimada dalka iyo muwaadiniinta.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa
sii wata ayaa tilmaamay inay tahay lagama maarmaan in la helo dib u
heshiisiin dhab ah oo dhex marta shacabka ku dhaqan gobollada ay ka
arimiyaan labada maamul goboleed iyo sidii la iskaga kaashan lahaa
arrimaha hormarinta, amniga, deris wanaagga iyo in si wadajir ah oo loo
wada dhan yahay loo dhameystiro dhismaha maamulladan oo hada ah KMG.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Shariif
Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba waxa ay faah faahin ka
siiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka
ka qeybgalay halka ay wax u marayaan, waxyaabaha u qabsoomay maamulladan
KMGka ah iyo halka ay hiigsanayaan taasi oo ay aad ugu riyaaqeen
dhinacyadii kulanka kasoo qeybgalay ayadoo Xildhibaannada,Odayaasha
Dhaqanka iyo Dhalinyaraduna ay aragtidooda ka dhiibteen madasha
islamarkaana ay soo dhaweeyeen tallaabada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka
isugu keenay hogaanka iyo dhinacyada metelaya labada maamul.

Gebagebadii kulanka waxaa la go’aamiyey in la sameeyo guddiyo
Xildhibaanno,Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin,ururrada bulshada rayidka ah
ka kooban kuwaasi oo hubinayo in dhameystirka dhismaha maamul
goboleedyadan koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay noqdeen maamul goboleedyo
dadka ay raali ka wada yihiin,loona wada dhan yahay.

Hoos ka daawo Sawiradda:

DSC_3737 DSC_3741 DSC_3744 DSC_3747 DSC_3748 DSC_3750 DSC_3752 DSC_3753 DSC_3755 DSC_3757 DSC_3759