(Dhageyso) Mas’uuliyiin katirsan Dawlada oo Xabsi la dhigay Baraawe.

0

Is qab qabsi ayaa waxa uu ka taagan yahay Hogaan loo noqdo Bulshada ku dhaqan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose iyadoo dad sheegayana Mas’uuliyiinta degmada Baraawe ay halkaasi isku fara saareen.

Maamul hore ugu magacaabnaa Degmada Baraawe iyo Xubno kale oo sheeganaya Degmadaasi ayaa waxa ciidan kala taabacsan ay ku dagaalameen gudaha Baraawe.

Inta la og yahay labo ruux ayaa ku dhaawacmay iskahorimaadkaasi waxaana wararku sheegayaan in la xiray xubnihii sheeganayey Mas’uuliyiinta Maamulka Degmadaasi sida uu sheegay Bashiir Yuusuf oo ah Xubin katirsan Maamulka Hore Baraawe uga talinayey.

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan magaalada Baraawe, islamarkaana la weeraray Mas’uuliyiin.

“Baraawe waxaa ka dhacay arimo aad u fool xun, gudoomiyahii Baraawe, mas’uulkii Nabad sugidda ee degmada iyo sidoo kale ninka dhinaca caafimaadka qaabilsan waxaa usoo dhamaaday shaqooyin ay magaalada Muqdisho ka hayeen, waxa ay ku laabteen degmada Baraawe si howshii degmada ay usii wadaan, laakiinse markii ay tageen hotelkii ay deganaayeen waxaa lagu qaaday weerar xoogan, waxaana weerarkaasi qaaday nin Nabad sugidda Baraawe ku xigeen ahaan meesha ku joogay, AMISOM ayaa timid ragii ayeey dhex galeen, hadda kahorna weynu sheegnay in shaqsigaan Nabadda sugidda Meesha u jooga uu dhibaato halkaasi ka hayo, taliyahii Nabad sugidda waan gaarsiinnay, hadii aan deg deg wax looga qabanna wax badan ayaa dhici kara” ayuu yiri xildhibaan Bakar.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay gaarsiiyeen dhibaatooyinka uu sheegayo in ay ka jiraan degmada Baraawe, waxaana uu taliska Nabad sugidda dowladda uu ka codsaday in si deg deg ah wax looga qabto arintani.

Hoos Ka Dhageyso Cod: