(Dhageyso) Faah faahin, Kooxo Hubeysan oo Xalay weeraray Saldhig ka mid ah saldhigyada Bosaso

0

Waxay faah faahin kooban ka soo baxeysaa qarax iyo rasaas xalay ka dhacday gudaha magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari taas oo ay geysteen koox ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Kooxdan ayaa weerar ku ekeysay saldhiga Baalade oo ka mid ah saldhigyada ku yaala magaalada Boosaaso, waxaana weerarkaasi sida la ogsoonyahay ku dhaawacmay Hal askari, halka gaari ka mid ahaa kuwa ciidanku adeegsadaan uu ku gubtay,

Ciidamada Amaanka ayaa bilaabay Baaritaano ay ku doonayaan in ay wax kaga ogaadaan ujeedka weerarkaas, waxaase xusid mudan in qaar ka mid ah baraha internetka ee ku hadla afka xarakada Alshabaab lagu sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyaan iyaga.

Mudooyinkii u dambeeyay ma jirin dhacdooyinka ceynkan oo kale ah ee amniga wax yeeleynaya, waxaase ay aheyd todobaadyo ka hor markii Bosaso ay ka dheceen dilal qorsheysan iyo weeraro qarax.

La soco wixii faah faahin ah ee ka soo baxa haduu alle idmo.

Hoos ka dhageyso warbixin bosaso uu ka soo diray Wariyahenna yuusuf Cabdi.