Dhageyso:Ahlu Sunna oo war ka soo saartay shirka dib u heshiisiinta beelaha ee Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa maalintii saddexaad ka soconaya Shir lagu heshiisiinayo Dadka dega Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Maamulka Ahlusunna ee Gobolada dhexe ayaa soo dhaweeyay  Shirkaasi ka soconaya Magaalada Dhuusomareeb ,waxaana Shirkaasi ka qeyb galaya Ergooyin badan oo ka kala yimid Muqdisho iyo Gobolada kale ee Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna Macalin Maxamed Axmed Alif ayaa sheegay in Ahlusunna ay soo dhaweyneyso Shirkaasi lagu raadinayo  Maslaxada dadka ku nool Gobolada dhexe ee Dalka.

Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa loo wadaa Qorshe Maamul loogu dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.