(Dhageyso) Xasan Sh. Maxamuud Oo Sanbalolshe Udiray Shirka wasiirada Amniga Isagoon wax xil ah Heyn.

0

Somalia ayaa ka Qeyb Geleysa Sandkii Labaad Shirka Sanadlaha ah ee Amaanka iyo ka Hortagga Argagixisada Sanadkan 2015-ka.

Shirkaas oo Furmaya Maalinta Berri ah, Taariikhduna ku Beegantahay 4 February, soona Xirmaya Maalin Kedib Furmiddiisa ayaa ka Dhacaya Hotel- Lancaster ee Magaalada London, Wuxuuna soo Gebageboobi Doonaa, Khamiista soo Socota.

Shirkaas sida Caadiga ah Waxaa ka Qeyb Gala, Wasiirrada Amniga ee Dalalka Qaaradda Africa iyo Afhayeenada Xukuumadaha, Somalia waxaa Sanadkan uga Qeybgelaya, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Magaca iyo Mansabkauu uga Qeyb Gelayo Shirka ayaa ah Wasiirka Amniga Qaranka ee Dalka, Sidoo kale Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdi Weli ayaa ah  Xubinta Labaad ee Soomaalida Shirkaas ku Meteleysa.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka mid ahaa Wasiiradii dhawaan uso o magacaabay Reysul wasaare Cumar Cabdi rashiid Balse uu kala diray Markii xubnha Baarlamanka Qaarkood ay Diideen in Xukumada lagu soo daro Xubno uu ku jira Sargaalkan oo horay u soo noqday Agaasimihii Hyada Nabad sugida Dalka.

Arintan ayaa waxa imaaneysaa iyadoo Resyul wasaare Sharmaake uu xukuumadi labaad muddo kordhin uga qaatay baarlamanka si uu soo dhameystiro,lamina oga in C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu ka mid noqon dono Xubnha Lafilayo marka laga reebo Hadal heynta.\