Kooxda Roma oo Ciyaaryahan Seydou Doumbia Kala Soo Wareegtay Kooxda CSKA Moscow

0

Ciyaaryahan Seydou Doumbia ayaa ku soo biiray kooxda Roma oo ka ciyaarta horyaalka talyaaniga,isagoo ka soo tegay kooxda CSKA Moscow ee dalka ruushka.

Ciyaaryahan Seydou Doumbia ayaa lacag dhan14.4 million euros ugu soo biiray kooxda Roma.

Ciyaaryahan Doumbia oo hada xulka Ivory Coast uga qeyb galaya koobka qaramada afrika ayaa kooxda Roma u saxiixay qandaraas uu kula joogayo ilaa bisha June ee sanadka 2019.

Ciyaaryahan Seydou Doumbia oo 27-jir ah weerarkana ka ciyaara ayaa taageerayaasha kooxda CSKA Moscow fariin u dhigay boggiisa Instagram-ka.

Kooxda Roma ayaa waxaa ka tegay ciyaaryahan Mattia Destro oo si amaah ugu biiray kooxda AC Milan.

Destro

Ciyaaryahan Destro oo 23-jir ah ayaa inta ka dhiman xili ciyaareedkan u ciyaari doono kooxda AC Milan.
Ciyaayahan Destro ayaa waxa si aad ah u soo dhaweeyay taageerayaasha kooxda AC Milan.