FIFA Oo Aqbashay Heshiiska Ay Real Madrid Kula Soo Wareegay Martin Odegaard

0
Da’yarka dhawaanta ku soo biiray Real Madrid ee Martin Odegaard ayaa ugu danbayn waraaqihiisa uu Real Madrid ugu soo biirayay dhamaystiray maanta oo jimce ahayd. Odegaard ayaa axada diyaar u ah inuu kooxda Real Madrid B kulankiisii kowaad u safto.Xidhiidhaka kubbada cagta ayaa ogolaansha siiyay Odegaard uu ku ciyaari karo iyada oo la sheegay inay FIFA aqbashay heshiiska uu Madrid ugu soo biiray.
Odegaard ayaa kulankiisa kowaad axada u ciyaari doona kooxda Castilla ee uu gacanta ku hayo Zinedine Zidane. Castilla ayaa axada u safri doonta kooxda Trival.
Real Madrid ayaa ka cabsi qabtay in uuna ciyaartoygani helin ogolaanshaha uu ku ciyaari karo kulankan,iyada oo FIFA ay baadhitaan ku haysay ciyaartoyda da’yarka ah ee ay Real Madrid la soo wareegtay.Odegaard ayaa shalay tababarka la qaatay kooxda koowaad ee Real Madrid halka uu bari ciyaari doono kulankiisa kowaad ee Real Madrid B.