Saynab Sheekh Cabdi Gaadokaroor (Janogasho) oo si kulul ula hadlaysa Beelwaynta Sade ee ay kasoo jeedo.

0

Anigoo ah aqoon yahaned kazoo jeeda beesha MAREEXAAN SADE waxaan talo iyo tusaalooyin iyo waliba dhaliilo u soo jeedinayaa beelwaynta aan ka dhashay ee ah Beesha MAREEXAAN SADE.

Marka hore aan iskiin baro inta aan aqoonta dheer ii lahayn ama inta itaqaanba.

Waxaan ahay aqoon yahanad kazoo jeeda beesha SADE, Qoys ahaan deegaan u leh Gedo, oo ah Gobalka labaad ee ugu wayn Somalia. Sidoo kale Deegaan u leh dadkayguna ku badan yihiin jubooyinka (hoose iyo dhexe ba) iyo waliba Galgaduud. Taariikh dheer,Magac iyo sharafna kuleh beesheeda.

Sidaynu wada ognahay Mareexaan Sade waa beel aad u wayn oo Taarikhda Somalia; Magac iyo sharaf iyo waliba qayb wax ku ool ah ku leh bulshada Somaliyeed.

Hadaba caalamka aanu kunool nahay maantey qarnigaan 21nd, bulsho kasta ama qoomiyad kasta waxay heer iyo meel sare ku gaaraan midnimo, ayagoo adeegsanayo bulshadooda dhamaan culimada, wax garadka, aqoonyahaniinta rag iyo dumarba kana wada tashta ama wada falanqeeya danahooda guud.

Tusaale ahaan Caalamkan maantey waxaad maqleysaan G2020- waxay kawada hadlaan oo isla meel dhigaan sidii ay ku gaari lahaayeen ayagoo si wada jir ah u sameysanaya xiriir hoose oo ay ku gaaraan go;aamadooda.

Somalia wadamadan reer galbeedka ee faraha kula jira siyaasad ahaan ayaa u gartey inay kala go;odo ayagoo kaleh danahooda garka ah.

Hadaba markaan usoo gudbo dulucda hadalkayga kuwajahan beeshayda Waxaan rabaa in aan hadalkayga u kala dhigo 4 qaybood.

Waa dhaliil ku wajahan beesha Sade- Aqoon yahaniinteeda, wax garadkeeda, culumadeeda rag iyo dumarba?

Waa mida Deegaanka iyo Somali wax ku qaybsigeeda? iyo

Waa maamul gobaleedyada ka dhismayo Somalia?

Maxaa ka yeelnaa ama nala gudboon mantahorumarinta danaha guud ee beesha ?

Dhaliisha ku wajahan beesha Sade- Aqoon yahaniinteeda, wax garadkeeda, culumadeeda rag iyo dumarba waxaan u dhigay sidatan.

Marka hore waxaan lee yahay beeshayda Mareexaan Sade meel walba oo aad joogtaan waan idin salamey. Salanta Islamka. Salan kadib, Waxaan idin lee yahay meeye dadkii wax garadka ahaa ee hogaamin jiray beesha.

Meeye odayaashii garta goyn jirey ee kazoo jeedey beesha SADE ee isku mawqifka ahaa, maxaa loo la yahay inay ka muuqdaan bulshadooda oo la wareegaan sidii dhaqaku ahaan jirey ayagoo talooyinkooda la kaashanaya bulshadooda inteeda kale.

Maxaa keenay in ay beeshu noqoto mid nin walba dantiisa gaarka ah u burbursho dantii guud ee beesha, sharaftii iyo karaamadii beeshana?

War maxaa sababey in aad noqotaan calooshood u shaqaystayaal loo adeegsada beeshoodii iyo burburka beesha?

Maxaa Sababey inaad na dhigtaan meesha ay beeshu taalo maantey?

War ilaahay subxana watacaala ka cabsada, ragiinaan dhaqanka xun ka dhigtay burburinta beesha Mareexan Sade ee fiirsanaya dantooda kaliya ee ka soo horjeeda kan u taagan danta guud ee beesha.

Ogow qof waxaa u fiican qofka intuu qaldamo garta qaladkiisa oo dib isku saxo.

Bini’aadamkuna waa mid qaldama laakiin waxaa ugu fiican ka garta qaladkiisa oo isi saxa ee fadlan ragiinaan heeryada xun dul dhigay beesha fadhiisiyeyna gagidan banan una soo horseeday beesha in badana kazoo shaqeeyey burburka beesha ama hada faraha ha kula jiro Ogow waxaad haysataan fursad aad u wayn oo aad hada isku sixi kartaan qalbi daacad ahna siin kara kuwa u taagan danta guud ee beesha Mareexaan Sade.

Maantey waxaa aad u yar kuwa u taagan wax qabadka guud iyo horumarka beesha ee ogow mid kastoo kazoo jeeda beesha Mareexaan Sade waxaa waajib idin kuwada ah inaad danta guud ee beesha qofwalba meeshiisa ka
qabto si beeshu u gaarto meel sare oo ay ula xisaabtanto bulshada inteeda kale.

Waa mida Deeganka beesha iyo Somali wax ku qaybsigeeda sida maamul gobaleedyada ka dhismaya Somalia iyo wax la qaybsiga dawlada dhexe ee Somalia Mareexaan sadoow waxaan idin lee yahay ama su’aal wayn igu ah maxaa sababey adigoo leh Gobelka Gedo oo ah gobalka labaad ee ugu wayn Somalia, oo u samaysan kara dawlad gobaleed madax banana oo leh maamul fiican kulana xisaabtami kara Dawlada dhexe ee manta sida xun idiinkula dhaqantey.

Ogaadana wax walboo manta idinka soo gaara Dowlada Dhexe waxaa u fududeeyey ragiinaan calooshood u shaqaystayaalka ah oo eeganaya dantooda gaarka ah.

Mideeda kale Soo maad ogidiin, Maamulada ka dhismaya jubooyinka waxaad ka mid tihiin dadka deegaanka, xubin wayna kuleh markuu ka dhismo maamul daacad ah oo ay kudhan yihiin qabiilada dagan deeganada jubooyinka.

Sidoo kale Mareexan Sadoow waxaad degtaan oo aad dhulbalaaran kuleedihiin Galgaduud marka aad maamul fiican oo kala danbeyn leh kasameysataan deegaanadiinaas ayaa misna la xisaabtami kartaan maamul u samaynta
gobaladaas idinkoo ka fiirsanaya cida aad rabtaan inaad wax wadaagtaan.

Intaas oo dhan idinkoo sidaa wax yeeli karo ayaa waxaa dhacdey in calooshood u shaqaystayaal idin ka dhashtey oo ee ganaya dantooda gaarka ah u burbursheen dantii guud, sharaftii, magacii iyo hantidii beesha Mareexan Sade.

Qaladaadka ay geesteen ama gaysanayaan dadkaa aragtida gaaban ee kazoo jeeda beesha Mareexaan Sade, hadii maantey isku mabda ay ka noqdaan beesha inteeda kale waa wax si fudud loo sixi karo ee fadlan aan isugu
imaano sixitaanka beesha iyo dhisida danta guud ee besha Mareexaan Sade meel walbo oo aad ka joogtaan caalamka iyo qalbi nadiif ah oo daacad u ah horumarinta beesha.

Mareexaanoow waxaad eegtaan oo aad si hoose u eegtaan deegaanadiina?

Maxaa ka duway deegaanada kale ee beelaha kale ee Somalida ay dagaan?

War miyiinan u jeedin horumarada ka kala socda deegaanada kale ee ay Somalida dagaan. Meeye ganacsatooyinkii beesha, Meeye dhalintii beesha, meeye wax garadkii beesha, maxaad u dhis la dihiin deegaanadiinii meesha aad ka dhisaneysaan meelo kale sababtoo ah taas waxay qayb wayn ka qaadaneysaa burburinta deegaanada beesha.

Ogow cid kale uma maqno dhismaha iyo horumarinta deegaanadiina ee ku fikira sidii aad uga qayb qaadan lahaydeen dhismaha gobalada aad deegaanka u leedihiin.

Amniga deegaanada Beesha Mareexan Sade waa mid ku xiran isku duubnida beesha waana aasaaska bulshada deegaanka iyo horumarka ee Mareexaanoow ilaahbaan idinku dhaarshee ka shaqeeya horumarka, isku duubnida iyo sharafta beesha.

Bulsho waxay heer iyo muunad ku yeelataa kala danbeyn iyo is maqal, taasina waa mida ugu mihiimsan inaan mudnaan gaar ah siino sababtoo ah nin walboo

inaga mid ah maahan inuu fisho inuu sida uu isaga rabo ay noqoto talada ama maamulka beesha oo uu ku guulaysto aragtidiisa.

Beeshu waa inay si deg deg ah u sameysataa odayaal dhaqameed daacad u ah isku mabdana ka ah wax qabadka danta guud ee beesha Mareexan meel walba oo uu dagan yahay. Wada shaqayn wayna la yeeshaan bulshada inteeda kale.

Beeshu waa inay sameysato maamul aqoon yahaniintooda xiriir hoose la leh iyo talooyin wadaag odayaasha dhaqanka ee beesha Mareexaan isku aragtina ka noqda danta guud ee beesha iyo dhismaha beesha.

Beeshu waa inay sameysataa maamul culumo awdiinka xiriir hoosena la leh iyo talooyin wadaag odayaasha dhaqanka ee beesha iyo aqoon yahaniinta.

Beeshu waa inay sameysataa maamul ganacsatooyinka beesha oo xiriir hoose la leh odayaasha dhaqanka beesha, maamulka aqoon yahaniinta, maamulka culumada iyo wax garadka beesha si ay qayb wayn uga qaataan dhismaha iyo horumarka deegaanada beesha iyo wax walba oo ku soo wajahma beeshooda.

Intaa markii la helo waxaad ogaataa in wax walba oo kaa maqan ama aad ka’la dahay dawlada Somalia aad kula xisaabtami karto.

Waxaan usoo jeedinayaa beesha Mareexaan Sade marka ay sameystaan ogayaasha dhaqanka iyo xubnihii aan soo sheegay ee lahaa xiriirada hoose inay isku wada yimaadaan kana wada tashtaan danta guud ee beesha ayadoo sida ay u kala horeeyaan loo kala qaadayo.

Marka koowaadna la sameeyo amniga iyo maamul u samaynta Maamul dawlad Gobaleedka Gedo si wada jir ah.

Wadaadada Dhalin yarada ah ee gacanta ku haysa gobalka qaybihiisa qaar ka mid ahna lala shiro lagana wada hadlo danta guud ee Beesha iyo sidii ay gacanta ugu galin lahaayeen maamulka Cusub ee Dawlad gobaleedka Gedo si nabad leh.

Beeshu marka ay ku dhawaaqdo maamul dawlad Gobalka Gedo ee ay amniga gobalka gedo gacanta ku dhigto kadibna xiriir nabadeed la yeelataa wadamada dariska la ah iyo gobalada dariska la ahba si ay uga wada hadlaan amniga deegaanadooda.

Wadamada dariska nala ahna ay ka baxaan deegaanada Maamul Dowlad Gobaleedka Gedo ayaga oo ku filnaandoona amniga dawlad gobaleedka Gedo.

Waxaan beel waynta Mareexan Sade usoo jeedinayaa odayaasha dhaqanka, aqoon yahanada, culumada, dhalin yarada rag iyo dumarba in ay si deg deg ah isugu yimaadan shir ka duwan kuwii hore oo ay uga wada hadli doonaan

danahooda gaarka ah si loogu sameeyo Maamul iyo kala danbeyn Dawlad Gobaleedka Gobalka Gedo marka uu dhamaado Shirka midnimo 2 ee ka socda Dawlad Gobaleedka Gobalka Gedo Caasimadiisa Garbaharay. Waqtiga uu dhici doono shirkaana dib ayaan usoo sheegidoonaa.

W/Q:Sainab Sheikh Abdi Sheikh Mohamed Gaadokaroor (Janogasho)