Arsenal oo 2-0 ku Xasuuqday kooxda Manchester City, kadib ciyaar xiiso leh ka dhacday Etihad Stadium (Sawiro).

0

Kooxda Arsenal ayaa 2-0 uga badisay Manchester City, kadib ciyaar xiiso leh oo ka dhacay garoonka Etihad Stadium oo marti loogu ahaa Man City, iyadoo guuldaradan ay ka faa’ideystay kooxda Chelsea oo ku hogaamineysa 5-dhibcood oo nadiif ah.

Arsenal oo maanka ku heysay guuldaradii xanuunka badneyd ee xilli ciyaareedkii hore ayaa garoonka ku soo gashay si degenaan iyo kalsooni ku dhisan, iyadoo macalinka Arsenal Arsene Wenger uu wax ka bedelay shaxdiisii hore.

Ciyaaryahan Santi Cazorla ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal daqiiqadii 24aad ee qeybtii hore, kadib rigoore uu gool u bedelay, waxaana rigooradaas lagu galay Nacho Monreal oo diilinta ganaaxa gudaheed uu ku dhex tuuray ciyaaryahan Kompany.

Arsenal ayaa qeybtii hore ku hogaamineysay 2-0, waxaana Man City qeybtaas hore ka muuqday kala daadsanaan iyo iyagoo aan kubadaha jaanta isula heleyn, hase ahaatee markii qeybtii labaad la isku soo laabtay ayay ciyaarta wax ka bedeshay.

Man City oo bedel ku keentay Jovotic ayaa ciyaarta wax ka bedelay, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay Arsenal weerarka uu ku socday dhankeeda, waxaana jiray koorno badan oo Man City ay heshay, balse aanay ka faa’ideysan.

Sidoo kale Arsenal ayaa ciyaareysay qaab difaac iyo weerar, waxaana ay daqiiqdii 67aad ay heleen gool labaad, kaasoo quusiyay Man City, isla markaana niyad jab ku riday taageerayaasha kooxda.

Ciyaaryahan Oliveir Giroud ayaa madax ku dhaliyay kubad uu soo laaday Santi Cazorla, waxaana goolkaas ahaa mid ku yimid dayacaad ay sameeyeen daafacyada Man City oo haleeli waayay, kubadii hawada ku socotay oo uu si fudud Giroud madax ugu dhaliyay.

Intaas kadib Arsenal ayaa bilowday inay difaac gasho oo ay labadeeda gool difaacato, waxaana ay weerar kasta oo ay soo qaado Man City ka dhigeysay mid ay jilbaha ugu laabeysay, waxaana ka dhex muuqday difaacyada Arsenal sida Bellerin, Mertasacker iyo Koscielny.

Arsenal ayaa guushan waxay ku sii heyneysaa kaalinta shanaad, iyadoo leh 39 dhibcood, waxaana ay hal dhibic u jirtaa kooxda Manchester United oo kaalinta afaraad ku jirta oo iyana leh 40 dhibcood, halka Southampton oo ku jirta kaalinta saddexaad ay leedahay 42 dhibcood.

Chelsea ayaa hogaanka u heysa, waxaana ay leedahay 52 dhibcood, Manchester City oo leh 47-dhibcood, waxaana Chelsea ay guul ay muhiim aheyd ka gaartay kooxda Swansea City oo ay uga badisay 5-0.

Hoos Ka Daawo sawirada:

24D1C6BC00000578-2915617-image-a-48_142160232515824D1C7E000000578-2915617-image-m-54_142160273010124D1C48E00000578-2915617-image-a-45_142160226563024D1C78100000578-2915617-Giroud_slides_in_jubilant_celebration_and_is_joined_by_Arsenal_t-m-51_142160265150924D1CCFF00000578-2915617-image-a-58_142160288704424D19B4F00000578-2915617-image-m-21_142160036806024D1750300000578-2915617-image-m-14_1421599777158