Fartaagoow Ninkaad Ismooday Ma Tihid Ee Waxaad Tahay Sida Ay Bulshada Kuu Aragto. W/Q: Maxamed Xasan Haliil

0

Waayaha Cakiran iyo Siyaasadaha la yaabka leh ee Waayadaan danbe Soomaaliya dhalan rogay waxaa ugu weyn In raga Sheeganaayo Siyaasiyiinta ay yihiin kuwo aan Aqoon Siyaasadeed iyo Waayo Aragnimo Shaqo laahayn taas oo ay u dheertahay inay yihiin kuwo ka Aradan Qaqdiyada Wadinaydeen kana qaawan ilaalinta danta Guud iyo Xurmaynta Nafta bini’aadamka ah taas oo dalka ka dhigtay mid kuwaaro dhibaato dheer dadkuna ay noqdaan kuwo ka quusto Nolosha Aduunyada , hadaanse u soo Guryo Noqdo dulucda Guud iyo biya dhaca Maqaalkaygaan waa Mid ku kooban Shaqsi Gaar ah kaas oo ah C/laahi Sheekh Fartaag oo ku Magacaaban kuxigeenka Maamulak Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam waxaana Jeclahay inaan Qoraalkaygaan oga faa’iidaysto Muujinta dhaliisha uu leeyahay iyo qaladaadkii uu ka galay dadkiisa .

Hadaba Inta Aanan Qalinkayga ku balbalaarin danbiga iyo qaladka uu dadka & deegaankaba ka Galay waxaan Jeclahay inaan Xuso Shaqsiyadiisa iyo hanaanka Guud ee Muuqaalkiisa Wallow aanan Aqoon durugsan u lahayn hadana Humaaga Guud ee aan ka arko iyo Muuqaalkiisa ayaan Sawir Kooban ka bixin doonaa Anoo Jecel inaan Qeexo in Fartaag uusan ahayn Shaqsi Mudan Mansabka uu Sheeganaayo ee Hogaamineed sababaha aan ugu diidayna Qoraalkayga ayaad ka dhex Arki doontaan .

Waa Shaqsi Noocee ah Fartaag

C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag sida ay ii Sheegeen dad Aqoon durugsan u leh wuxuu ahaa Askari aan lahayn Darajo Ciidan oo Miisaan leh oo waqtiyadii danbe ka soo baxay dhibowyadii Ciidamadii Xooga dalka kadib Wuxuu kamid ahaa Ciidamada SNF ee Gobolka Gedo kula dagaalamay Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami asagoon darajo wadan ah Askari ka tirsan Xoogagii SNF ayuu dagaalo ka galay Gobolka Gedo , dabci ahaan waxaa la Sheegaa inuu yahay nin Xanaaq badan oo Alle ku Manaystay oo aan dad la dhaqan aan ahayn waana sababta dadka ay uu ka soo jeedo ee Sade u wada takooreen nin yar iyo nin weyn Intabo , Aqoonta uu leeyahayna wa Kaliya inuu dhowr bilowd Wax yar ka hor uu dhibow u Galay Ciidamadii Xooga dalka darajada Jananimana Waxaa si aan laga fiirsan u siiyay Col. Barre Aadan Shire oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga Dowladii Madaxweyne C/laahi Yuusuf .

Musiibooyinkii soomaaliya ku habsaday iyo dadkii Qalafsnaa ee Alle Umada ku saladay inuu kamid yahay Fartaag ka sokow wuxuu Asaga sii dheeryahay inuu yahay Arxan Gooys Amaro badan ku bixyay in Qoorta laga jaro dad Xigto u ah Ugu yaraan haduusan dilka , iyo Tacadiyada lagula kacaayo Beesha Sade uusan fulinin Raali ayuu kayahay Waa Marka aan eegay sida uusan Oga hadlayn una Muujinayn wax jixaan jix ah waxaana Shaqsiyan is dhahaa Tacadiyadaas dadka Gaysanaayo Wxay dhagta ugu Sheegeen in Mansabka uu Sheeganaayo lagu siiyay Xasuuqa loo gaysanaayo Beesha uu ka soo Jeedo iyo Tacadiyada lagu hayo dadkiisa oo noqday dhibanayaal la bartil maamaysanaayo .

Markaad dib u Qooraansatid Tacadiyada ka soconaayo Kismaayo dilalka joogtada ah iyo Waxyeelada dad Gaar ah loo Gaysanaayo waxaa ii sawirmay in Fartaag uu yahay Lax dhukan Col iyo Abaarbo Moog ama Ugu Yaraan uu dalacsiin darjo iyo dhaqaalo lagu siiyay Xasuuqa loo Gaysanaayo dadkiisa waxaana Xusuusaha Mugdiga Galiyay Fartaag kuna daray inuu kamidka yahay inta la Falay ama la suuxiyay kamid ah inuu Shir Jaraa’id ku dul qabtay Maydka rag Xigto u ah Asagoona aysan Ka Muuqan wax sariig ama Xishood ah sidoo Kalana u Gafaayo Salaadiin Ahlu dhaqan ah Siyaasadna aan ku lug lahayn kuwaas oo ah kuwii dhibka uu Gaysto bixin jiray kan asaga loo gaystana u Geedo fariisan jiray .

dulucdo & Ujeedka Qoraalkaygu Ma ahan mid aan ka leeyahay dano Siyaasadeed balse waxaan Xaq u leeyahay inaan aragtidayda ku Cabiro waxa ay iigu fadhido Mas’uuliyada Aan Aqoonta iyo Kartida lagu kasban ee uu Maanta Sheeganaayo Fartaag Xaq ayaana u leeyahay inaan dhaliilo Qaladkiisana banaanka Keeno , ee Aqristoow si Kale ha u Fahmin .

Magaalada Kismaayo waxaa Maalin Walbo joogto ka noqotay Waxyeelo ka bxasan Xuquuqda Aadanaha kana soo horjeedo dhaqanka Suuban ee Soomaalida kaas oo Xurmo Sharaf u hayo nafta Nool Gaar ahaana dadka biri Magaydida ah , waxaana dhacdooyinki Musalsalka ahaa ee ka dhacaayay Magaalada Kismaayo u danbeeyay dhacdadii lagu Xasuuqay dad ay Fartaag isku hayb yihiin kuwaas oo aan la Marin wax Maxkamad ah inta aan ogahayna ahaa kuwo aan ku lug lahayn Siyaasad loona beegsaday oo ifka looga Waday kaliya Haybta ay ka soo Jeedaan, balse Fartaag wali kama uusan hadlin Mana Muujin inuu ka Xunyahay ugu yaraana waxaan ka sugaynay inuu ka Tacsiyeeyo dadkana la qaybsado Murugada la baday .

Maxay Thay Qaladaadka uu Fartaag uu ka Galay Maamulka uu ku Jiro ee Jubba iyo dadkiisa :

Xusuustayda Ma soo koobi karto Qoraal yarna Tixraac Ogama dhigi karo Qaladaadka deegaan ee uu Galay iyo kuwa Garka ah ee uu Beeshiisa ka Galay balse waxaan Hoos ku Qodobaynyaa inta ay Xusuustayda soo dhufato hadii Alle Idmo .

1. Fartaag Qaladka uu ka Galay dadkiisa waxa Weeyo in uusan Ugu Yaraan Hadal ka Gaysan dadka aan waxbo Gaysanin ee Maalin Walbo Ifaka la Seejinaayo Aaqirana loo diraayo .

2. Inuusan Marnaba Muujin wax mas’uuliyad ah Marka loo Eego dadka aan danbiga lahayn ee Hoostiisa lagu Gumaadaayo .

3. Fartaag Maadaama uu hanaan Beeleed Meesha ku yimid waxaa laga Sugaayay in Maamulka Aqoonsiga helay ee Jubba iyo Beeshiisa uu isku soo dumo balse kala fogaynta Maamulka iyo Beesha Sade asaga ayaa Kow ka noqday mana dhicin Waajibkiisaas inuu Guto .

4. Fartaag waxaa saaran mas’uuliyad ku salaysan ilaalinta dadka iyo deegaanka balse Maamulka uu ka tirsanyahay wali Musan tusin inay joojiyaan Tacadiga aan Qarsoodiga lahayn ee ay dad Gaar ah u Gaysanayaa taas oo ah Mas’uuliyad daro uu ku dhaqaaqay .

Hadaba Fartaag oo isku haysto Abqari Fariid ah balse Aniga aan ugu Naanaysay Nacas Fariid Ismooday waxaa uu Mudo Caro iyo Khilaaf aan ku Salaysnayn danta Guud ee deegaanka oo kala dhexeeyay Hogaamiyihiisa ayaa Shalay dib ugu soo Laabtay Magaalada Kismaayo asagoo Warbaahinta Qaakeed daleeceeyay Sheegayna inuusan jirin Wax Khilaaf ah balse aan Ogsoonahay in Fartaag uu ku laabtay Kismaayo Kagadaale Markii uu Axmed Madoobe u Ogolaaday Saami dhaqaalaha Dekada ka soo Xaroodo taas badalkeedina laga saxiixay inuusan ka hadli karin Tacadiyada dadkiisa loo gaysanaayo hadaba Gunaanudka hadalkayga wuxuu Noqonayaa Maxay dadka Reer Jubbaland iyo deegaankaba Ugu fadhidaa Mas’uuliyada Fartaag Mar hadii uu Awoodi Waayay inuu Maamulka uu ka Tirsanayahay ee Jubba inuu ka hor Istaago Tacadiyada aya gaysanayaan ee bini’aadnimada ka baxsan iyo hadii uu Waayay Kalsoonida Maamulkii uu ku jiray oo hada Garowsaday inuu yahay Asal Ma doorshe waayay Taageerada Beeshiisa .

W/Q: Maxamed Xasan Haliil