Dhageyso: Maamulka Degmada Luuq Oo Guddi U Sameeyay Qaxootiga Dhawaan Ka Imaanaya Kenya Si Ay Dib U Dejin Ugu Sameeyaan.

0

Maamulka Dagmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay guddi u xil saareen dib u dejinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee dib uga soo laabanaya xeryaha Qaxootiga ee Dalka Kenya.

Gudoomiyaha Maamulka Dagmadaasi Axmed Buulle Maxamed ayaa Warbaahinta gudaha dalka u sheegay mar uu nala soo xiriiray, in ay diyaariyeen Goobihii ay degi lahaayeen dadkaan, islamarkaasina ay gudi u saareen la socodka xaladaha Socdaalka Qoxootiga oo ka imaanaya dhinaca dagmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose.

Waxa uu intaasi raaciyay inay u sameeyeen Goobo Caafimaad oo u gaar ah dadka Qoxootiga ah ee imaanaya Dagmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in gudigaan waajib ka saaran yahay in ay il gaar ah ku hayaan dadkaan ka imaanaya dalka Kenya ee Qaxootiga ah, islamarkaana ay la socdaan wax walbo oo soo wajaha iyo sida loo dejinayo.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso