War Deg Deg Ah: Laba Nin Oo U Dhashay Beesha Sade Oo Xalay Laga Afduubtay Guryahooda Magaalada Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Ay xalay guryahooda kala baxeen laba nin oo u dhashay Beesha Sade.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in labadan Nin xalay saqdi dhexe iyagoo ku sugan guryahooda ay Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ka afduubteen.

Waxaa xaqiiqo ah in labadan nin loo afduubay oo kaliya inay u dhasheen amaba ka soo jeedaan Beesha Mareexaan Sade, lamana oga ilaa hadda halka ay ku sugan yihiin labadan nin amaba ku danbeeyeen.

Dhinaca kale wali waxaa xabsiyada sida gaarka ah u leeyihiin Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa ka buuxa dad badan oo u dhashay beesha Sade iyo Beelaha kale ee Soomaaliyeed oo ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kala baxeen guryahooda halka ee kuwo kalena ka qab qabsadeen wadooyinka xaafada Guul Wade iyo dhamaan xaafadaha kale ee magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxaa ka socda magaalada Kismaayo xasuuq, kufsi, xarig, jirdil iyo barakicin baahsan loo geeyssanayo dhamaan dadka aan ku haybta ahayn Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Kala Soco Allgalgaduud Media Xasuuqa Iyo Falalka Waxuushnimada Ah Ee Ka Socda Magaalada Kismaayo.