(Dhageyso) Taliyaha booliska gobollada dhexe iyo Kan Galgaduud oo booqday xarumaha ciidanka ee Galgaduud.

0

Taliyaha ciidanka Booliska ee gobolada dhexe ee Soomaaliya, Gaashaanle sare Maxamed Jimcaale Cosoble iyo Faarax Warsame Cilmi ayaa maanta booqday qaar ka tirsan xarumaha ciidanka ee degmooyinka gobolka Galgaduud.

Taliyayasha ayaa warbixinno ku aaddan baahida ciidanka iyo duruufaha adag ee uu ku shaqeeyo wuxuu ka dhageystay taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Galgaduud, Faarax Warsame Cilmi.

Taliyaha Booliska Dagmada Dhuusamareeb  oo warbaahinta la hadlay booqashada kadib ayaa ka warbixiyay qorsha sanadkan cusub ee horumarinta booliska gobollada dhexe, gaar ahaanna gobolka Galgaduud.

Sidoo kale taliyaha Booliska Ee Gobolka Gal-gaduud Faarax warsame cilmi Ayaa isna ka warbixiyay Xaalada Ciidamada.

Wuxuu sheegay in taliska gobollada dhexe uu la wareegay mas’uuliyadda xuquuqda ciidanka, wuxuuna tilmaamay in ciidanku helidoono diiwaangalin rasmi ah, mushaar iyo tababar, lana kordhin doono tirade iyo tayadoodaba, si ay u gutaan waajibaadka ay u hayaan ummadda.