Top News:- Madaxda dalka oo isku mari la’a soo xulista golaha wasiiradda.

0

Wararka ka soo baxaya madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ay isku fahmi la’yihiin soo xulista golaha wasiiradda cusub ee kamdi noqonayo xukumadda uu soo dhisayo Raiisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Waxaa wali la isla meel dhigi la’yahay tirada rasmiga ah ee ay noqonayaan golaha wasiiradda cusub ee uu soo dhisayo Raiisul wasaaruhu, sidoo kale dadka kamid noqonayo xukuumadda iyo xilalka ay qaban doonaan ayuu ka taagan yahay muran badan.

All-Galgaduud Media ayaa ogaatay in kulamo badan oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya oo qaarkood saq dhexe habeenimo laysla gaaray  laysku fahmi waayay habka loo soo dhisayo golaha wasiiradda xukuumadda cusub.

Rw Cumar Cabdirashiid ayaa u muuqda mid go’aan adag ku gaaray in uusan xukumadda kasoo qeyb gelin doonin dadka qaarkood ee uu madaxweyne Xasan Sheekh doonayo in ay kamid noqdaan xukuumadda sidoo kale xilalka ay dadkaasi ka qaban doonaan xukumadda ayeey isfaham darro ka taagan tahay.

Cumar Cabdirashiid Ra’isul wasaraha Soomaaliya ayaa ogalaa dalabaadka hadda uu diiday inta aan la soo magacaabin kahor.

Waxaa adag in xog buuxdo laga hello arrimaha is fahmi waaga ee labada mas’uul soo kala dhex gelay maadama marka ay shirayaan ay galayaan shirar ay dibad joog ka yihiin madaxda iyo saraakisha madaxtooyda.

Wixii Warar Ah Ee Ku Soo Kordho Ka Daalaco Halkan Haduu Alle idmo..