Faah Faahin: Ruuxii soo xirtay suunka qarxa Ee isku qarxiyay dalka Sacuudi Careebiya.

0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Sacuudiga nin soo xirtay suunka qarxa ayaa isku qarxiyay askar sucudiyaan ah oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taal xuduuda u dhaxeyso dalka Ciraaq iyo Sacuudiga.

Waxaa kale oo goobta qaraxa uu ka dhacay ka bilaabatay is rasaaseyn u dhaxeeysay ciidamo la socday ninka is qarxiyay iyo ciidamada jooga barta koontarool.

Laba askari oo katirsan askarta dalka Sacuudiga ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay ku geeriyootay, sidoo kale wakaalada wararka sacuudiga SPA waxay sheegtay in la dilay mid kamid ah ragga weerarka soo qaaday.

‘‘Koox argagixiso ah ayaa soo weerartay goob kontrool ah oo ku taala magaalada Suwayf ee waqooyiga gobolka Arar.Ciidanku waxay dileen mid kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday. Waxaa isqarxiyay mid kale oo qabay suunka qarxa,waxaana qaraxaas ku dhintay laba askari halka mid kalana uu ku dhaawacmay,’’ sidaa waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka wasaarada ammaanka ee dalka Sacuudiga.

Lama cadeyn karo tirada dhabta ah ee dableyda weerarka soo qaaday, hase ahaatee waxaa la sheegay in qeyb kamid ah ay bad qab kaga baxsadeen goobta ay weerarka ku soo qaadeen.

Waxaa laga shakisan yahay in kooxda ISIS ee ay dagaalka kula jiraan dalal badan oo carab ah ay weerarka fulisay.

Dowlada Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha dagaalka kula jiro kooxda Daacish ee ka dagalanta dhulal badan oo carbeed.