(Dhageyso) Ridwaan Xirsi Oo Cadeeyay Soomaaliya Xilligan ineysan Joogin Halkii Looga Baahnaa.

0

Sii haya wasiirka diinta iyo Awqaafta Ridwaan XiIrsi Maxamed Ayaa Sheegay in Soomaaliya maanta aysan joogin halkii looga baahnaa, islamarkaana dagaaladii dhacay 24-kii sano ee lasoo dhaafay ay wax badan hagal daacin ku sameeyeen.

Ridwaan ayaa tilmaamay in dhibaatooyin badan ay jiraan, hadii dhibaatooyinkaan laga baxo ay horseed u noqon doonto Soomaaliya sideeda hore inay kusoo laabtaan.

Wasiirka ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya aysan joogin xilligii hore halkii ay joogtay, taasi oo sababteeda ku sheegay dagaaladii sokeeye iyo bur burkii dalka ka dhacay.

Dhanka kale waxa uu sheegay in xilligaan aysan badneyn Soomaali madax ka ah shirkadaha waaweyn qaarkood oo ajaaniib ay ka yihiin madax, isaga oo tilmaamay in xilligii dowladii dhexe aan ajaaniibta loo ogolaan jirin in madax ay ka noqdaan shirkadaha.

Sii haya wasiirka diinta iyo Awqaafta Ridwaan XiIrsi Maxamed ayaa ugu dambeyn sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed oo dalka kusoo laabata ay kaalin ka qaadan karto isbedalka, lana aamin sanyahay in dalka ay wax badan kasoo saari karaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.