Labo Wariye Oo Lagu Xiray Muqdisho, iyo NUSOJ oo cambaareysay.

0

Labo wariye oo ka tirsan warbaahinta Goob joog ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii Labaad ku jira gacanta Dowlada ka dib markii Labadaasi wariye shalay la qabtay. 
Ciidamada Dowlada ayaa Labada wariye oo kala ah ah Madax Barnaamijyada Goobjoog Maxamed Salaad Cismaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo isna ka mid ah Wardoonayaasha Goobjoog, waxaana xilligii ay ciidanka qabanayeen howlo shaqo u tageen Qarax shalay ka dhacay Wadada 21 October ee magaalada Muqdisho.

Wariyaasha ayaa la sheegay in xalay ay ku hoyden xabsiga ku yaalo magaalada Muqdisho.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya ayaa cambaareeyay xariga wariyaasha Idaacada Goob joog iyo dhamaan wariyaasha u xiran Dowlada oo ay ka mid yihiin agaasimaha iyo Tifatiraha Idaacada Risaala oo maalintii sabtida laga kaxeystay xarunta Idaacada oo ku taalo degmada Xamar Jabjab ee gobolka Banaadir.

La Soco wixii Ku Soo Kordha Haduu Alle idmo.