Dhageyso: Faah faahin Sida uu udhacay Falka Nin Walaalkiisa Masaar Ama Faas ku dilay Jowhar.

0

Sida aan hordhaca Wararkeenii idiin ku sheegnay Saaka Aroortii waxa Degmada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka dhacay Dil uu geystay nin dhalinyaro ah islamarkaana Masaar uu ku dilay wiil ay walaalo ahaayeen.

Aabaha dhalay labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Cali Magan ayaa wareysi uu siiyey Allgalgaduud media waxa uu ka warbixiyey qaabka falkaasi naxdinta leh uga dhacay Xaafada Hantiwadaag Laanteeda Afaraad.

Waxa uu sheegay Aabahaan in wiilka wax dilay maskaxda uu ka xanuunsanaa dhowr jeerna uu ku hanjabi jiray inuu dilayo walaalkiis ayna iyagu warkaasi iska fududeysteen saaka aroortiina uu dilka fuliyey.

Marxuumka dhintay ayaa ka tagey Hal Xaas iyo Labo caruur ah oo gabdho ahaa iyadoona gacan ku dhiiglihii walaalkiis dilay uu baxsaday inkastoo Laamaha Amnigu ay sheegeen inay baadi goob ugu jiraan sidii loo soo qaban lahaa.

HALKAAN HOOSE KA DHAEGYSO WAREYSIGA AAN LA YEELANAY AABAHA DHALAY LABADA WIILKA WAXAANA WAREYSTAY Yuusuf Cabdi shire Oo Bosaso joga.