Madaxweyne Xasan Sheekh oo horaanta todobaadkan booqasho ku tagaya Dhuusamareeb.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, iyadoo qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha ay ka socoto magaaladaas.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu Madaxweynuhu ku tagi doono Dhuusa Mareeb, waxaana dhowr jeer dib u dhac ku yimid safar uu ku tagi lahaa magaaladaas, intii uu Madaxweynaha ku guda jiray soo magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Dhuusa Mareeb C/llaahi Macalin Axmed ayaa sheegay inay diyaar garow ballaaran ugu jiraan soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshada inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta Madaxweynaha.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay, isla markaana ay ka socoto howlo nadaafadeed oo dib loogu soo celinayo bilicda magaalada, isagoo aan sheegin goorta Madaxweynuhu tagi doono Dhuusa Mareeb.

“Diyaar garow ayaa ka socda Dhuusa mareeb oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxay dadweynaha magaalada iyo maamulka ay ku jiraan qaban qaabada sidii loo soo dhoweyn lahaa wafdiga Madaxweynaha”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka degmada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweynaha uu tago magaalada Cadaado, halkaasoo horay loogu qorsheeyay inay ka dhacdo gogosha shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiira gelin doona howlaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo lagu wado in dhowaan ay dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo ay u taagan yihiin musharaxiin badan.

Booqashada Madaxweynaha ee Dhuusa Mareeb ayaa ku soo aadeysa, iyadoo bishii la soo dhaafay ee December uu iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Ahlusuna uu ka dhacay Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, waxaana markii dambe laga saaray ciidankii Ahlusuna.