(Dhageyso) Dowladda oo lagu eedeeyay sii socoshada dagaal beeleedyada G/Hiiraan.

0

Gudoomiyaha ku-xigeenka arimaha Bulshada maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal beeleedyada ku soo noq noqday deegaano ka tirsan Hiiraan ayaa wuxuu sheegay inay kaalinta Dowlada dhexe ee dagaaladaasi ay meesha ka maqan tahay,,isagoon carabka ku adkeeyay in arintaasi ay sababtay in dagaal beeleedyada ay soo noq noqdeen. 

Sheikh Xuseen Cismaan ayaa hoosta ka xariiqay in gogol dhowr ah oo la fidiyay si dagaalada loo qaboojiyo inaan laga dhex arkin mas’uuliyiinta Dowlada,wuxuuna ugu danbeyntii baaq u jeediyay aqoonyahanada,culumaa’udiinka iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hiiraan inay u istaagaan sidii loo kala dhex gali lahaa dadka isku leynaya deegaanada uu ka mid yahay Deefow oo maalihii u danbeeyay dagaalo beeleedyo ay ka dhacayeen.

Dagaal beeleedyada gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay inay sababeen qasaaro isugu jira dhimasho,dhaawac iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanada dagaalada ay ka socdaan.

Waxaana tan iyo bilowgii dagaaladaasi jiray dadaalo iyo baaqyo ku wajahan in la joojiyo dagaalada laakiin ma aysan suurta galin in lagu guuleysto.
Waxaana soo noq noqday dagaalada,shalay oo ugu danbeysay waxaa deegaanka Deefow dib ugu bilowday dagaal beeleedyada. 

Hoos Ka Dhageyso Codka.