(Dhageyso) Ahlusunna Oo Ciidamada Dowladda Ku Eedeesay Dilka Dad Rayid Ah.

0

Xaalada degmada Gura-ceel Ayaa Maanta Dagan Kadib Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Shalay Halkaas Ka Dhacay, Waxaana Dibadbaxyadii shalay ku geeriyooday ilaa 2-qof halka 7-kalana uu dhaawac soo gaaray.

Taliyihii Ciidamada Ee dagmada Guriceel Axmed Maxamed Odawaa Ee Ka Tirsan Ciidamadii ahlusunna Ee Laga Saaray Guriceel ayaa isagoon Xusen Goobtuu Joogo All-Galgaduud Media Oga waramay Abaabulka Ay Wadaan ciidamada Ahlusunna ee dhawaan isaga Baxay dagmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Waxaa Uu Ciidamada Dowlada Ku Eedeeyay iney xasuuq ugeesteen Dad Shacab ah Sida Uu Hadalka Udhigay.

Waxaa Wareystay Yuusuf Cabdi Shire Oo Xafiiska All-Galgaduud Media Oo Boosaso Joogga.