Muungaab: Shacabku ha bixiyeen Canshuurta dowladda (Sawirro).

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlayay Munaasabad xalay lagu qabtay Degmadda Yaaqshiid oo looga hadlayay horumarinta adeegyadda bulshada ayaa sheegay sanadkii dhamaaday ee 2014 inuu ku guuleystay maamulkiisa wax kaqabashada arimo badan.

Muungaab ayaa xusay inay wax ka qabteen horumarinta adeegyada bulshada, nadaafadda iyo xoojinta ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir, taasi uu sheegay inay tahay waxay ku faani karaan mudada yar oo ay Xafiiska joogeen.

Dhanka kale, Gudoomiyaha  ayaa Sanadka maanta koowda ah rajo ka muujiyay inuu maamulku sii dardargelin doono howlaha uu wado ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada, isagoo xaqiijiyay in la dhisi doono waddooyinka Muqdisho.

Xasan Maxamed Xuseen ayaa shacabka Soomaalida ah ee gudaha iyo dibadda ku ammaanay kaalinta ay ka qaateen howlaha uu ku faanayo maamulkiisa.

Ugu damayntiina, wuxuu ku guubaabiyay inay bixiyaan canshnuuraha dowladda hoose.

Muungaab ayaa bishii Febaraayo ee saandkii tagay waxaa loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho kadib markii xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Nuur oo muddo sedex sano hayay xilkaasi.

HOOS KA EEG SAWIRADA KULANKA LAGU QABTAY YAAQSHIID:

w3w4w5w6w7