Hoggaamiyeyaasha maanta waa kuwa lagu hungoobay. W/Q: Jabriil Jaamac Rafle.

0

Hogaanka dalka soomaliya in muda ah wuxu gacanta ugu jiraa hogaamiyaal aanan lahay aragti suuban, biseel siyaasadeed, aadna u jecel xatooyada, hogaamin xumadooda waxa loo aanaynaya inaysan raadku lahay Ama aysan ka imaan HOYGA HOGAAMINTA, House of leadership.

Fikrada hooda waxay ka soo maan guuriyeen systemkii 3 jabhadood ee dalka baa’ba u horseeday SSDF, USC iyo SNM .

Hogaamiyaashan siyaasada hooda waxaa sal u ah, kala qob-qob naan, damiir xumo, wadaniyad la’aan, shisheeye gal gaal, sad bursi, waliba waxa usii dheer mid waliba inuu ku taamayo burburinta haybada dalka iyo hantida guud, si uu ‘ u dhaafo mid ay loolanka kala dhexeeyo una kala tartama xumaan iyo sadbursi ku saleysan dano Qabyaaladeed.

Hogaamiyashan labo kamid ahi, waxay shacabkooda marwaliba ku qanciyan inay ku tilaabsadeen hormar iyo waxqabad aanan jirin kuna dhiri galiyaan inay sifiican xariga qabyaalada u xajistaan, tusaale ugu dhigan dhigayaga ama dhiiga dadkeen baan u daadinay jirtaankii.

Halka hogaamiyaha seddexaad uusan isku haysan inuu yahay hogaamiye matala ummada, ku mashquulsan naas nuujita saaxiibadiisa ku haya kursiga, dalka u haysto magaaladu ka joogo kuna caan baxay musuq maasuq, diban daabinta dalka, iyo dawarsiga shisheeye.

Qoraalkeyga waxan ku so goobaya dalka iyo dadka wa in laga qabta kuwa aanan u qalmin hogaanka dalka. Wadaniyintana waxaa farayaa inay u istaagaan hanashada dalkaan iyo dadkaan ubaahan hogaan daacad ah, karti leh, ka fog nin jeclaysi, kooxeysi iyo qabyaalad. ka so baxay guriga hogaaminta suuban.

W/Q: Jibriil Jaamac Rafle.
Jabra936@hotmail.com