Faafaahin: Zakariye Ismaaciil oo Muqdisho la keenay

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya keenitaankii Muqdisho Sakariye Ismaaciil Xersi oo ka tirsanaa Saraakiisha ururka Al-shabaab ee ka horjeeda Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa Ee AMISOM.

Sakariye oo sabtidii la soo dhaafay iska dhiibay Gedo ayaa la sheegay in maalin ka hor si xoog ah ay ku kaxeystay Dowlada Kenya diyaaradna lagaga qaaday deegaan ka tirsan gobolka Gedo lagana dejiyo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

War ka soo baxay hay’ada Nabad sugida Dowlada Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warka sheegaya in Sakariye Ismaaciil ay ka xeysatay Kenya,waxaana Sarkaalka Shalay laga soo dejiyay magaalada Muqdisho.

Sakariye oo horay Shabaab ugu qaabilsanaa Sirdoonka, ayaa Shabaab oo ka hadashay isdhiibitaankiisa waxay ku tilmaantay in Sakariye bilal ka hor ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ku biiray xukuumada Muqdisho.

Soo bandhigitaankiisa ayay ku tilmaameen in lagu daboolayo weerarkii Shabaab ay ku qaadeen dabayaaqadii sanadkii tagay xarunta ugu weyn AMISOM ee ay ku leedahay Muqdisho.

Sakariye Ismaaciil ayaa safarkiisa Muqdisho waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo qaaday Gedo.
Waxaana hada gacanta ugu jiraa hay’ada nabad sugida Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin dhowr ah oo horay uga soo baxaya Al-shabaab ayaa hada ku jira gacanta Dowlada