Dhageyso: Midowga Yurub oo war kasoo saaray weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen xarunta Xalane

0

War qoraal ah oo kasoo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in weerarkii Alshabaab khamiistii ay ku qaadeen fariisinka ciidamada AMISOM ee Xalane uu ahaa weerarada aan kala sooco laheyn ee Alshabaab ay ka geystaan dalka Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

Warka qoraalka ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay tacsi ugu dirayaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi Alshabaab ay ku sheegeen inay ugu aargudayeen dilkii hogaamiyahoodii Sheikh Muqtaar Abuu Zubeyr.

Midowga Yurub ayaa dhaqaale ku bixiya ciidamada AMISOM iyo kuwa booliska taageerada ay siinayaan dalka Soomaaliya darteed, waxaana la sheegay inay sii kordhin doonaan taageerada ay siinayaan AMISOM.

Sidoo kale qoraalka Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay inay soo kordhin doonaan taageerada ciidamada dowlada Soomaaliya, si guulo looga gaaro amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn midowga Yurub ayaa qoraalkooda ku sheegay inay ka go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyed iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen inay sii socon doonaan dadaalada iyo taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya.