Yuu Ahaa Col. Yaasiin Nuur Gaas (Indho Raadaar), Yaase Ka Danbeeyay Dhaawaciisa? (Akhriso Maqaal Xog Badan Xambaarsan).

0

Korneel Yaasin Nuur Gaas  (Indho Raadeer) waa ninkii sabata u ahaa in degaanada Jubooyinka laga saaro ururukii Al-shabaab, wuxuu hormuud ka ahaa abaabulkii cidamadii lagu tababarayay dalka Kenya, kuwaas oo loo diyaarinayay in Al shabaab ka saaraan degaanada Jubooyinka.

Waxuu ahaa ninkii taliyahii hogaaminayay ciidankii u soo dhaqaqay danka Jubada hoose wuxuuna watay ciidan aad u dhisan tababar iyo deshibaliin la soo tababaray, ciidankii uu hogaaminaayay korneel Yaasin Raadar waxaay soo gaareen ilaa degmada Afamdow oo soo gashay gacanta ciidankii ku socoday magaca xooga dalka Somalia.

Waxaa marka dhacaday in shirqool laga soo abaaabulay gudaha Kenya lagu cinqilaabay siyaasadii iyo hogaankii ciidankii soo xoreeyay dhulkii Al shabaab haysten. Waxaa markiiba lagu soo biiriyay maleeshiyadii Raskanbooni oo horey u ahaa ururka Al-Shabaab iyo Xisbul islaam. Waxaa la kala qeybiyay ciidankii LAMANGA ku soo tabar qaatay waxaana loo weeciaya dhanka iyo Ceel waaq. Korneel Raadaar wuxuu u arkayay arin aan qurux badneen balse wuxuu ka doorbidayay in marka hore gacanta dowlada ay soo gasho Al shabaabna laga saaro degaanada.

Markii ciidankii loo wareejiayay dhanka iyo ceelwaaq waxaa aad u adkaatay in maleeshiyadii Raskanbooni ay horey u sii socon waayaan. Waxaa markaa soo xooiyay ciidanii Kenya sidii horey loogu sii socon lahaa, ciidankii qabatay Kismayo waxeey ahayeen ciidankii bada ka soo galay Kismayo ee ma ayasan qabasan Raskanbooni.

Korneel Yaasin wuxuu mar walba muujinayay in uu hagaajiyo hanaanka iyo maamulka Kismayo waxeyse ka suurto geli waysay maleeshiyadii Raskanbooni ee uu hogaaminayay Ahmed Islam Madoobe.

Waxaa sidoo kale iskaga baxay kismaayo ragii doonayay in hormuudk ka ahaa hirgelinta iyo dhisida in maamul loo helo gobolada Jubooyinka, waxaa ragaas ka mid ahaa.

1- Professor Mohamed Abdi Xaji-Mohamed

2- Gudoomiyahii Suna wal jameea Ahmed Yusuf Aw- Libx

3- General Ali Madoobe

4- Mohamed Abdi Subeyer

5- Farah Ali Shirshoore

Dhamaan ragaas waxeey uga baxeen Magaalada Kismaayo maamul xumida iyo xadgudbyada ka jira Kismayo oo eey geysanayaa maleeshiyada Raaskanbooni oo leh dhaqanka Al-shabaab.

Sida awgeed Korneelka wuxuu u dhabar adeegay falaka foosh xun eek a dhacaya degaanka Kismayo oo qof bini’aadam ah u adkeysan Karin. Wuxuu warbixino badan uu siiyay ciidanka Kenya wax ka socoda Kismayo in kasto ayasan wax isbedel ah ka imaan.

Waxaa sii xoogsatay xadgudbiyada ka dhacaya degaanka Kismaayo, waxaa bilaamay in dadka guryaha laga saaro kadibna ay degaan maleeshiyada raaskanbooni waxaa la dhacayaa dhulkii dadku lahaa. Dhulkii la dhacayay waxeey ku timid Korneel Raadaar dhulkiisi in la dhisto.

Hadaba waxaa dhacay in kornee Yasiin Nuur Gaas Indho Raadaar uu ka hadalay dhulka la dhacayo oo ugu danbeysay ila 80 qoys oo laga saaray guryahooda xaafada Mariino loo yaqaan.

Goob ay fadhiyeen rag sheegta masuuliyiin uu ka mid yahay General Darwiish ayuu ka hadalay, Waxuuna Yiri Korneel Yaasiin Indho Raadaae (Dhulka iyo Guryaha la boobayo hala joojiyo, oo hala joojiyo dadka la beegsanayo ee ka soo jeeda  halka qabiil, waana arin barakicin ah waxan aad wadaan, balse ogaada inaan sidaas lagu bara kacayn) waxaaa arrinkaas ka xanaaqay ragii meesha fadhiyay meeshaas.

Waxaa hubaal ah in Korneel Yaasiin Nuur Gaas Indho Raadaar dhiigiisa loo daadshay loona dhaawacay sidee uga hadli kartaa waxa aan sameeneyno, waxaa kale oo hubaal ah in waqtigii ay doontaba ha qaadato’e  lala xisaabtami doono Raggii madashaas fadhiyay iyo kuwii ka maqnaa dhamaantood, dhiiga Col. Yaasiin Indho Raadaar iyo dad kaloo badana aan leeysu deeyn doonin.

Farah Abdi Samter
Waaamo23@gmail.com