Xog:Soomaaliya Oo Qarka U Saaran In Ay Isu Beddesho Gobol Ka Mid Ah Dalka ETHIOPIA. SABAB?

0

Warar kala duwan oo laga helayo Xubno ka tirsan BF Somalia ayaa xaqiijinaaya in Madaxweyne Xasan iyo garabkiisa ay wadaan qorsho cusub oo Somalia si dadban loogu hoosgeynayo Dowlada Ethiopia oo xiligaani Saldhigyo waaweyn ku dhex leh Madaxtooyada Somalia iyo qeybo ka tirsan Gobolada dalka.

Xildhibaan ka tirsan BF Somalia oo sababo jiro awgeed uga gaabsaday magaciisa, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan uu doonayo in Somalia uu u badalo Gobol ka tirsan Ethiopia, waxa uuna daboolka ka qaaday in qorshuhu yahay in dhamaan Golaha wasiirada cusub laga dhigo Xubno wadashaqeyn la leh Dowlada Ethiopia.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xassan ay heshiis kala saxiixdeen Dowlada Ethiopia Taariikhdu marka ay aheyd Sabti, 3-dii May 2014, islamarkaana heshiiskaasi uu dhigaayo in Gobolada kala ah Bay iyo Bakool, Gedo, Sh/dhexe, Galmudug iyo Kismaayo la geeyo Cutubyo ciidan dheeri ah oo ka socda Dowlada Ethiopia, waxa uuna intaa hadalkiisa raaciyay in Magaalada Muqdisho iyana la keeni doono Ciidamo gaar ah oo iminka loo dhisaayo Xarumo cusub.

“Haddii wakiilo ka socda Ethiopia ay xafiisyo ku lee yihiin Villa Somalia, joogaan Kismaayo, Hargeysa, Garoowe, Baydhaba iyo meelo kale, maxaa noo haray” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay sagootintii Ciidamada Sierra Leone ee ka midka ahaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxa uuna farta ku goday in booska ay ka baxeen ciidankaasi lagu buuxinaayo Ciidamo ka socda Dowlada Ethiopia.

“Xaqiiqdii dalkan waxaa uu gacanta u galayaa Ethiopia, qof kasta oo Soomaali ahna, waa inuu u istaagaa difaaca dalkan” ayuu yiri.

Dhanka kale, Mudanahaani ayaa waxa uu ka digay in Madaxda dalka aysan maslaxadooda u adeegsan Qaranka waxa uuna shaaciyay in dhawaan la arki doono Qoysas Ethiopia ah oo dhex socda Magaalada Muqdisho iyo suuqyada, waa haddii aan talaabooyinkaani laga soo horjeesan.