Xog: R/wasaaraha Cusub Oo Isniinta Ama Talaadada Soo Socota La Hor Geynayo Baarlamaanka.

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedkeena Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha Cusub Cumar Cabdirashiid Cali la horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka Isniinta ama Talaadada soo socota si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaaraah cusub kaligiis la horgeyn doono Baarlamaanka Isniinta ama Talaadada soo socota.

Ilo wareedkeena Villa Somalia ayaa sidoo kale waxa uu inoo xaqiijiyay in Cukuumada cusub liiska magacyadooda uu qoran yahay diyaarna yahay sida lagu wadan lagu dhawaaqi doono todobaad ka dib.

Dhinaca kale waxaa jira guux ay isla dhexmarayaan Xildhibaanada oo qaarkood doonaya in ay siin codka kalsoonida R/wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali marka la horkeeno Baarlamanka..

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeyn ama la saadaalin karin in R/wasaaraha Cusub Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ay saameyn doonaan khilaafyadi ka horeeyay magacaabistisa ee u dhexeeyay siyaasiyiinta Soomaalida marka la horgeeyo Baarlamaanka si uu u helo codka kalsoonida.

Waxii Ka Soo kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.