Dhageyso:Ciidamada Maamulka Puntland Oo Xaflad Aroos Rasaas Huwiyay Iyo Dhaawacyo…

0

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamulka Puntland ku dhaawacay Dad Barakacayaal ah oo dhiganayay Xaflad Aroos.

Wararka ayaa sheegaya in Rasaas ay Fureen Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ay ku Dhaawacmeen ilaa Shan Ruux oo kamid ahaa Qoysaska Barakacayaasha ku Nool Magaalada Garoowe.

Ciidamada Puntland ee Dhaawaca Geeystay iyo Dadka Dhaawacmay ee ka mid ahaa Barakacayaasha Xaflada Arooska ah dhiganayay ayaa la sheegay in uu Muran dhexmaray sidaana Ciidamadu ay Rasaas ugu Fureen.

Shanta Ruux ee Ciidamada Maamulka Puntland ay dhaawaceen ayaa la dhigay Goobaha Caafimaadka Magaalada Garoowe,iyadoona aysan wali ka hadlin Maamulka Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha Amniga Puntland midna.

 

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso..