Top Dhageyso:Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo war lama filaan ah ka soo saaray magacaabista Cumar C/rashiid

0

Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub ay ka filayaan inuu la yimaado isbedal ku aadan siyaasadda Soomaaliya.

Afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  ayaa saxaafada Kismaayo ugu sheegay in maamulkooda uu soo dhoweynayo magacaabista Raysal wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Afhayeen Ibraahim Baajuuc wuxuu sheegay in Raaskambooni ay aad ugu faraxsan tahay xilka loo igmaday Cumar Cabdirashiid oo uu sheegay inay filayaan inuu wax badan ka bedalo siyaasadda Soomaaliya.

Ka maleeshiyo ahaan ayuu sheegay inay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan xukuumadda uu soo dhisi doono oo si qurux badan ay u wada shaqeyn doonaan.

Halkan dhageyso codka