Dhageyso: Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Isku Diray Shacabka Deegaanka Hosingoow Iyo Dagaal Ka Dhacay.

0

Dhawaan waxaa deegaanka Hosingoow ee gobalka Jubada Hoose ka dhacay gacan ka hadal u dhaxeeyay Laba dhinac oo sheeganayay mas’uuliyadda maamulka deegaankaasi.

Maamulkii gacanta ku hayay deegaankaasi ayaa iska diiday in xilka ay ku wareejiyaan maamul cusub oo la sheegay in deegaankaasi loo soo magacaabay ayna usoo magacaabeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana taas ay keentay in Labada dhinac ay gacanta iskula tagaan.

Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana socda dadaalo nabadeed oo ay wadaan Odayaasha deegaankaasi, iyadoona sidoo kale la kala qaaday dhinacyadii dagaalamay.

Gudoomiyaha Hosingoow oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin in dadka deegaanka loo soo magacabo maamul aysan raali ka ahayn.

Waxa uu sheegay in maamulkaan cusub ee lasoo magacaabay horay halkaasi looga bedalay isaga oo ku eedeeyay in dhibaatooyin ay shacabka u geysteen, sidoo kalena ay wadeen xilligaan sidii horumaro loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan Hosingoow.

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso….