Dhageyso:Cabdi-waal ”Aniga Ahlu Sunna kuma jiro dagaalna kama qeyb galin”.

0

Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedkii dalka soo maray ayaa idaacada Kulmiye waxaa uu u sheegay in dagaaladii ka dhacay dagmooyinka Guraceel iyo Dhuusa Mareeb uu isaga qayb ka ahayn waxaana uu sheegay in aysan jirin ciidan uu isaga maamulo oo ku sugan Gobalka Galgaduud arintaana ay gabi ahaanba tahay been abuur.

Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal waxaa uu sheegay in Ciidanka Ahlusuna aysan laba garab u kala jabin dagaalkana ay si wadajir ah u galeen sida uu hadalka u sheegay.

Cabdi Nuure Siyaad ayaa wararka waxaa ay sheegayaan in hada uu ku sugan yahay deganka Galjire ee duleedka Guriceel in kastoo uu isaga noo sheegay in uu ku sugan yahay degmada Guriceel waxaana lagu eedeeyay in uu qayb ka qaatay dagaaladii ka dhacay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.

 

 

Halkan Hoose ka dhageyso:-