FAAHFAAHIN: Waxa sababay dagaalka magaalada Dhuusamareeb & Inta uu khasaaraha la eg yahay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka uu ka qarxay dagaal culus oo la isku adeegsaday hub kala duwan.

Dagaalkani ayaa u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna kadib markii la isku maandhaafay arrimo ka jira deegaanka oo maalmihii dambe dhinacyo dhowr ah ay halkaasi ka wadeen halkaa.

Ciidanka Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda ayaa weli isku horfadhiya magaalada Dhuusamareeb wuxuuna dagaalkani daba socdaa dagaal shalay ka dhacay degmada Guriceel ee isla gobalka Galgaduud oo ku yaalla Bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobalka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlayay wuxuu sheegay in ay ku jiraan arrinta arrinta la isku khilaafsan yahay oo ah maamul u sameynta goballada dhexe.

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka soo horjeesatay in maamul gobaleed loo dhiso gobalada Mudug iyo Galgaduud waxay dalbanayaan in gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha DHexe lagu soo daro xisaabta.

Khasaare isugu jira dhaawacyo iyo dhimasho ayaa dagaalka ka dhashay kuwaas oo soo kala gaaray labada dhinac waxaana warar ay heleyso Shabakadda Allgalgaduud.com  ay sheegayaan in  dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay dagaalkani wax ku noqdeen.

Masuuliyiinta dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb waxaa ka mid ah wasiir xigeenkii Arrimaha dibadda ee loo bedalay wasiir xigeenka Qorsheynta Mahad Maxamed Salaad, Goobaale oo ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga oo labaduba ka soo jeeda deegaan ahaan degmooyinkaasi lagu dirirayo.

Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo dagaalka ka hadashay waxay sheegeen in aysan ka raali noqon doonin dulmi ay tilmaameen in dowladda Federaalka ay ka wado gobalada dhexe ee dalka oo deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo ay yihiin kuwa ammaan ah.

Xaaladdu way yara deggan tahay inkastoo ciidanka ay isku horfadhiyaan magaalada DHuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com