TOP NEWS DHAGEYSO: Horjooge ka tirsan Raaskambooni oo qiray in barakac iyo dhac ay ka wadaan KISMAAYO

0

DHAGEYSO: Horjooge ka tirsan Raaskambooni oo qiray in barakac iyo dhac ay ka wadaan KISMAAYO

 

Horjooge ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta ka qiray in Maleeshiyada Axmed Madoobe ay wadaan barakin iyo qaxin ay ku sameynayaan dadka danta yar ee ku nool magaalada Kismaayo.

Horjoogahan oo magaciisa ku sheegay Xasan Xareed ayaa sheegay inay heshiis kula galeen hay’ado Qaramada Madoobe ah inay dajiyaan magaalada Kismaayo oo ay dhul ka siiyaan.

“Dhulka dadkan laga bixinayo waxaa la siinayaa hay’adaha magaalada dhan waa laga saarayaa dadka barakaca ah iyo kuwa tabarta daran” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalkani ka soo yeeray Raaskambooni ayaa ka turjumaya naxariis darrada Maleeshiyaadka cadowga ah ee Raaskambooni oo dadka ku beegsanaya qabiil iyo heyb ahaan.

Halkan ka dhageyso – Allgalgaduud:-

raaskambooni
Horjooge Axmed Madoobe oo boob iyo dil kula dar-daarmaya ilmaha uu adeerka u yahay!

Isha ku haay Warbaahinta Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Warar lagu kalsoon yahay kala soco