TOP DHAGEYSO: Saraakiisha DF iyo Barre Hiiraale oo ka hadlaya weerarkii Markabka iyo rasaas xooggan oo loogu jawaabay Kenyaankii

0

Saraakiisha duuleedka Kismaayo ayaa faahfaahin ka bixiyay markab dagaal oo weeraray deegaanka Sabca-Asharaaf.

C/wahaab Cismaan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaankaasi wuxuu inoo sheegay in markabka dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya uu ku soo dhowaaday xeebta dabadeedna ciidankii ilaalada goobtaasi ka hayay ay rasaas la dhaceen.

Wuxuu sheegay in madaafiic ay ka soo dhaceen markabka dagaal kuwaasoo waxyeello ay ka soo gaartay qoysas reer miyi ah oo ku nool halkaasi.

Ammaanka ayuu saaka ku sheegay inuu yahay mid wanaagsan, wuxuuna ku eedeeyay in qorshahaasi ay wax ka wadeen Maleeshiyada Raaskambooni oo xulufo la ah Kenyaanka dilaya Shacbiga Soomaaliyeed.

Halkan ka dhageyso:

Markab dagaal

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com