Dalal Soomaaliya ay kamid tahay oo dhaqaalo loogu deeqay

0

Wakiilka joogtada ee jaamacada carabta u fadhiya Qaramada Midoobay, Lana Zaki Nusseibeh, ayaa ku dhawaaqay kadib kulan shalay dhacay in wadamada imaaraadka carabka ay ku deeqeen 500,000 oo doolar.

Dhaqaalahaasi ayaa loogu deeqay dalalka Soomaaliya iyo Afganistan gaar ahaan xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay labada dal, si loo hormariyo labadaasi dal.

Safiirka ayaa ka qeyb galay shir deeq bixiyaasha oo dhacay maalintii shalay, waxaana shir gudoominayay shirkaasi ku xigeenka siyaasada ee xoghayaha guud ee Qm, Jeffrey Feltman.

Safiirka isutaga imaaraadka carabta ayaa sheegay ayaa sheegay inay dhaqaalahaasi la doonayo in lagu horumariyo siyaasada dalalka Soomaaliya iyo Afganistan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska safiirka Imaaraadka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay garab taagan yihiin taageerana ay siinayaan dalalka Soomaaliya iyo Afganistan, si horumar siyaasadeed looga gaaro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com