XOG:- Xildhibaano tiro-badan oo diidan in xilka R/wasaaraha loo magacaabo

0

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamanka Somalia, ayaa lagu warramayaa inay kasoo horjeedaan in xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabo Xuseen Cabdi Xalane, sida ay qaar ka mid ah xildhibaanada u sheegeen AGGM.

Xildhibaanada diidan arrintan ayaa sida wararka ay sheegayaan isugu jira kuwii riday R/W Cabdi Weli iyo kuwii taageersanaa intaba.

Xildhibaan la hadlay AGGM ayaa ku xog warramay in xildhibaanada BF ay durbaba ka dhex billaabantay diidmo ku saabsan magacaabista Xalane.

Waxa uu sheegay in xildhibaanada ay u arkaan Xalane shaqsi aan lagu amini karin xil sidaas u weyn.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in sidoo kale ay jiraan eedeymo ku saabsan in Xuseen Cabdi Xalane uu xiriir la lee yahay dowladda Ethiopia, sidaa darteedna ay ku mucaaradayaan magacaabistiisa.

Inkasta oo xildhibaanka la hadlay AGGM uusan sheegin tirada xildhibaanada diidan arrintan, haddana waxa uu ku warramay inay ku dhow yihiin 100, ayna maalmaha soo socda qaban doonaan shir jaraa’id, oo ay arrintan ku shaacinayaan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu intaasi ku daray in haddi uu madaxweyne Xasan Sheekh diido tala soo jeedintooda ay kalsonida baarlamanka u diidi doonan Xuseen Cabdi Xalane.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta in Xuseen Cabdi Xalane xilkaas loo magacaabayo, inkasta oo sidaas la hadal hayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com