Xog muhiim ah: General Diini oo ah ninka ugu macquulsan ee loo magacaabayo raiisul wasaaraha cusub

0

Taliyihii hore Ciidamada xooga dalka soomaaliya Mudane Cabdulqadir Sheekh Cali Diini ayaa la soo sheegaya in lo Magacaabayo Raysal Wasaaraha Cusub ee Dowlada Soomaaliya ka dib markii uu meesha ka baxay C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo Baarlamaanka Soomaaliya ay Kalsoonida kala laabteen.
Xog Cusub oo ay heshay Allgalgaduud.com ayaa lagu sheegay in Maalmaha soo socda uu Madaxweyanaha u Magacaabayo Raysal wasaare Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo hada ku sugan Dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Ohaio laguna Wargeliyay inuu yimaado Soomaaliya ka dib markii ay wada hadleen Madaxweynaha.
Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka soo jeeda Beesha Mareexaan waxana sidoo kale la sheegaya in Madaxweynaha uu go’aansaday in u Raysal Wasaare u Magabayo Mudane Cabdulqadir Sheekh Cali Diini ka dib la tashi badan uu la sameeyay Shaqsiyaad badan.
Mudane Cabdulqadir Sheekh Cali Diini ayaa ku dhashay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1948 waxa uuna mar soo noqday Taliyihii hore Ciidamada xooga dalka soomaaliya dowladii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.