XOG: Dhinacyada kala wata xubnaha u sharaxan xilka r/wasaaraha SOMALIA

0

Waxaa socda soo xulista shaqsiga noqon lahaa ra’iisul wasaaraha bedeli doona C/Wali Sheekh Axmed oo sabtidii baarlamaanka Soomaaliya uu codka kalsoonida kala laabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay dhawaan in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub si waqti kale uusan uga lumin dowladiisa oo howlo badan inay qabato looga fadhiyo.

Balse, dhibaato ayaa waxa ka taagan tahay saaxiibadda madaxweynaha oo mid kastaa uu wato nin musharax ah, islamarkaana cadaadis ku saarayo madaxweynaha inuu u magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha.

Waxaa warqadahooda codsiga gubiyay musharaxiin aad u badan, oo qaarkood ay siyaasadda ku cusub yihiin, halka kuwa kalena ay yihiin wasiiro hore & kuwa hadda xil haya oo xildhibaano ay ku jiraan.

Musharaxiinta ugu cad-cad xilka ra’iisul wasaaraha iyo shaqsiyaadka kala wata:

1) Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Xilka kasii degaya ee Maaliyadda, waxaa wata Faarax Sheekh C/qaadir, waxaana sidoo kale gadaal ka riixaya dowladda Ethiopia.

2) Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, horena usoo noqday ra’iisul wasaaraha dowladdii Sheekh Shariif, 2009-2010. Waxaan u ololeynaya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

3) Saciid C/llaahi Deni, oo horey wasiir qorsheynta uga soo noqday xukuumadii C/Wali Maxamed Cali Gaas, waxaana wata C/kariin Xuseen Guuleed, La-taliyaha Xasan Sheekh.

4- Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa ah hada kamid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale horey wasiir uga soo noqday maamulka Puntland. Waxaa u ololeynaya xildhibaano reer Puntland ah oo Xasan Sheekh ka caawiyey mooshinkii lagu riday Cabdi Weli.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxa uu wadaa la-tashiyo uu la samaynayo saaxiibadiisa, odayaal iyo xildhibaanada baarlamaanka, waxaana la hadal hayaa in qofka laga dhigayo ra’iisul wasaaraha la ogaan doono maalmaha soo socda.

Marka laga soo tago saaxiibadda madaxweynaha, waxaa kaloo ku jira Villa Somalia General Gabre, oo inta badan dowladda iyo maamulada dalka ay hoos tagaan, waxaana isna la sheegayaa inuu wato shaqsiyaad si fiican u yaqaana fulinta danaha dowladiisa Ethiopia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com