Xeer ilaaliyaha qaranka oo sheegay in hay’adaha DF uu ka jiro musuq baahsan ”Warbixin”

0

Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir oo bixinayay wareysi ayaa sheegay inay jiraan musuq-maasuq hareeray xarumihii hay’adaha dowliga ahaa.

Axmed Cali Daahir ayaa qiray in hay’adaha dowladda dadka haya ay ku kacaan musuq-maasuqa baahsan oo weliba si qasab ah ay ugu kacaan.

Wuxuu sheegay in musuaq-maasuqu yahay wax iska cad oo hay’ad kasta oo dowladda ka tirsan ay ku kacaan madaxdooda loona baahan yahay in laga hortago.

Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in musuq-maasuqa lagu kaco uu yahay mid hanti dadweyne ah oo si qasab ah ay u lunsadaan shaqsiyaadka hay’adahaasi maamula.

“Musuq-maasuq haddii aad maqasho waa wax lunsasho, hay’adaheenna dowliga ahna way ka jirtaa arrintaasi” ayuu yiri xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com